Learn English with English, baby!

Join for FREE!

Social_nav_masthead_logged_in

my superise

kingshywhite

Somalia

  •  1 2
  • Subscribe to my RSS

March 25, 2010

AHMED Cali  CIGAAL  wuxuu galaya fanka isagoo yar oo ah arday waxana ahayd sanadkii 1967    wuuxuuna ka bilaabay Riwayadii la oran jiray  SHABEEL NAAGOOOD  waxaan sameeyey XASAN SHIIKH MUUMIN  waxaa ku xigatay Riwayadii la oran jiray YIXAAS DHEGADUUB oo u sameeyey  MAXAmoud  SANGUB  waa labadii Riwaayadood ee igu horeeyey Ahmed  uuna ku soo can baxay oo ku noqday Fanaanda can ka ka ah somaliya Ahmed runtii wuxu aah anin yar marka uu Riwayadanah metalaayay kana heesahay kan dhexmuuqday fanaaniitii la matelaysay Riwayadahaas Ahmed wuxuu ahaa nin ilaahay siiyey quwada xaga muusiga iyo codka ah oo uu kaga soo dhex baxo dhalintii u ku jiray markaas amba ha noqdeen kuwa uu kula jiray Iskuulka ama Fanaka Ahmed yaratiisii wuxu ahaa nin ku xidhan xaga heesaha aadan ula socda faniinitii xilagaa hadaan tusaale u soo qaato kooxaga ahmed uu carbka saaray mar wayadiiyey suaashaas waxaa ka mid ahaa Walaal Hargaysa oo ahayd kooxda koowaad ee wadanka wuxuu Ahmed isku dayi jiray in uu noqodo sida fanaanadaas oo kale oo uu uga maqlo heesihiisa Radiyihii xigaa ka jiray somaliya  hadaba suaasha Is waydiintalehi waxa weeyey Ahmed ma u hirgashay Riyadiisii. HAAA  waxay ku qaadatay wax yar intuu la meeltegilahaa kuwii uu jeclaa uuna  dhegaysan jiray heesahooda  in uu noqodo sidooda oo kale Ahmed wuxuu  ka mid ahaa Fanaaniintii la wareegi jirtay Riwaayadaha gobolada somaliya markaa isaga waxaa uu ka mid noqday Fanaaniinta sidaa dheer loo jecelahayahay  waxay ka bixi jireeen ilaa Muqdisho to Boorama, Muqdisho ilaa kismaanyo, Muqdisho ilaa buula Xaawo markaa sidaa buu ku sii noqday nin loo han awayanayahay Ahmed waa jeclaa somalidii uu la kulmijiray  Ahmed markuu yaraa fanaanaduu xiisan jiray waxaa ka  mid ah  MAXAMED AHMED KULUC, CISMAAN GACAN LOW , AHMED MAXAMED GOOSHINBIL, AHMED CALI XAAJI AADAN DALABLE, AHMED SHARIIF, AHMED NAAJI, SAALAX QAASIN SALAAD DERBI AHMED NAAJI   AHMED SHARIIF    (XAGA DUMARKA ) MAANDEEQ,  BAXSAN. MAGOOL, GUUDO CARWO, GALAAAYR, SAHRA AHMED, ok hada ahmed wuxuu ahaa nin Fanaaniitaa ku han wayn siduu ku gaadhi lahaa  ee siduu ku dhaagay baa meesh taal Ahmed walaal kiis oo soo korsaday oo soo barbaarshay  Ahmed  oo aah nin abwaan ah baa usameeyey heesa badan kooda waxaan la oran jiray C/QAARID CALI CIGAAL  oo ana haa abwaan kii ugu horeeyey ee hees u sameeya ahmed ahaan walaal  kiis oo soo korsaday hadana eegno heesaha uu C/QADIR CALI CIGAAL  sameeyey waxaa ka mid ahaa  NAYRUUSHKU WAA CIID  Riwaayadii la oran jiray  JACAYAL BOG UMA BAAHAANA hadaba Ahmed  gabdhihii Riwayadaha la dhigi jiray kuwee buu ugu jeclaa  dadku waxy  yiraahdaan Ahmed wuxuu ugu jeclaa KHADRA DAAHIR IYO SAYANB CIGE  lakiin ahmed wuxuu yiri gabdhahaan la dhigi jiray Riwaayadaha waxay ahaayeen gabdho aan la arag lana maqal mid mid laga doortana malahayan kuli waan wada jeclaaa  mar wax laga waydiiyey Ahmed wax iska bedelay Fankii markii qurbaha la soogalay wuxuu yiri fan ku wuxuu ku xidhaan dad ka somaliyeed hadaynoqoto mid jacayl ah iyo mid kale oo aha figradba markaa fankii kama danbay somaliya burburkeedii wuxuu yiri qurbaha markaanu nimid sidaanu ugu fekeri jiray fanka uguma fekero oo intaa waa ordaynaa lakiin soomaalia markaanu jog nay waxanu ahayan dad u meel goay in ay dadka maaeeliyaan wax ay haan xoogna saaray maaweelada dadka  Ahmed Cali Cigaal wuxu hada joogaa wadan ka Maraykan ka gaar ahaan Gobolka Tanasii Magaalada Naashviil

Wuuxuna weli ka dhigaa Riwaayadan wadanka maraykan ka iyo yurb meelo ka mida wuunaa yiri illhay isagaa caadilee dhulkeenii hayguugo soo hoorsho nabad sida roobka ayaan ku leeyahay daka soomaliyeed ee akhrisanaya qoralkan

By: Xasan Ismaaciil Cabdi { Ustaad King Shy }

 

March 15, 2010

Gabaygii GardhigashoGaran maayo waxaan iraahdo                        guuloow adigaan garta kuu dhiganayee          gaf inaan galeynoo gadaalna aan u eegin           waa garaadka insaankee galab iyo habeenba inaan gurigeen ka guurnoo gardaro aan isku laaynoo gabalba gees ka doodoo              gaadiid dagaaliyo isu gurano gantaalada geeridu xaqweeyee gardaroole  iyo dulmiloow gul weyn magaaraan xaqna lama garab maro lama gooyo kheyrkiyo adaan kuu gardhiganoo guul iyo nabduna guuloow kaa sugeynaa   gobolo wada barwaaqo gal iyo waro badan wabbi aan gureeniyo  galbeed iyo bare ku gadaaman dhuloo idil noogu deeqday eeboow soomaalaay  isgaar qabo iska guul cadawgoo gun wada ahaadoo garbahooda siman yahay!By: Xasan Ismaaciil Cabdi (King-shy)

March 11, 2010

Soomaaliya waa mid ka mid ah wadamada lagu tiriyo dunida sedexaad laakiin waa aay ka sareeysaa oo waxeey u qalantaa dunida 1aad waayo sida la og yahay soomaaliya waxeey leedahay kheyraad aad u fara badan iydoo aay taasi jirto ayaa hadana waxaan in badan maqal naa ama aan aragnaa dhalin badan oo soomaali ah oo u tahriibaya dunida inteeda kale hadaba su’aasha isweydiinta mudan baa waxey tahay maxaa ku dhaliya dhalinta soomaaliyeed in aay u bareeraan Qatar weyn oo aan daah kasaarneeyn ?Aqoon yahanada inta badan oo sida weyn ula socda xaaladaha dalka soomaalya guud ahaan gaar ahaan tan dhalinta soomaaliyeed kuheysata wadamada caalamka iyo gudaha dalka soomaaliya ayaa sheegay in dhalinta tahriibka u bareerta boqolkiiba sagaashan iyo shan in aan ka cararaan dhibaatada nabad darada dalkooda ku habsatay, halka shanta kalana aay yihiin kuwa waalidkood uu diray waxbarasho dibadeed si aay halkaas wax uga bartaan. Hadaba isku soo duuboo dhammaan qatarahaan kala duwan ee dhalinteena u bareerto ayaa noqoday kuwa aay noloshooda waxbadan kabadashay oo u horseeday baadiyoowid deg-deg ah iyo illow noloshooda ah. Mid kamid ah dhalinta u suuroowday in aay ku noolaadaan qaar kamid ah wadamada  reer Yurub ayaa ii sheegay in aay heystaan nolol fiican laakiin aay aad uga sii jeclaan lahaayeen nolosha iyo nabad galyada aay ku heystaan wadamada shisheeye in aay ku helaan gudaha dalkooda hooyo laakiin taasi manoqonin mid inoo suura gasha oo aan heli karno. “Marxalad kasii madoow midi hore ayuu dalka ku sii talaabsadaa maalinba maalinta ka danbeeysa, saacadba saacada kadanbeeysa hadaba tani waa waxa nagu kalifay in aan nolol ka raadsano oo aan dalal kale u tahriibno, waan jeclahay dalkeeyga laakiin dagaalka ayaan ku nacay habeen waliba waan ku riyoodaa anigoo xaafadeeyda lajooga asxaabtii aan isku xaafada aheyn, waan hubaa in maalin uun aan u soo noqon doono dalkeeyga mana iloonidoona dalkeeyga aadna waan ugu xiisay”ayuu yiri mid kamid ah dhalin yarada kunoo dalka Norway oo halkaasi tahriib ku galay. Tani ayaa waxaa la dhihi karaa in aay tahay dadka u dhabar adeegay in aay iska sii joogaan dalkooda kuwa kunool dhibaato iyo silic xaga nolosha ah.Dhalinta ku hartay dalka waxa aay isugu jiraan kuwo jebky isugu jiraan aa kuwo sha ah.olosha ah gaan dalkooda kuwa lkaasi tahriib ku galay ono dalkeeyga mana iloonidoona dalkeeyga aaa iyo kuwa waalidkood u diiday. Hadaba waxaan rajeyneynaa dhammaan haddii aanahay djhalinta soomaaliyeed in aam maalin uun aan helno nabad waarta waayo horaa waxaa uu halku dhig noo ahaa Nolol waa tan hesha Nabad waarta 

wixii cusub waxaad kabaaran kartaa www.ramadaan.webs.com 

 W/Q: Xasan Ismaaciil Cabdi (King shy)