Learn English with English, baby!

Join for FREE!

Social_nav_masthead_logged_in

my superise

View all entries from my superise >

kingshywhite

Somalia

August 13, 2009

nolol waliba oo saran caalamkaan ballaaran dushiisa waxaa qasab ah ama lama huraan ah in aay la kulmeyso ama uu galaayo jaceyl jaceyl kuna waa shey qaali ku ah nolosha aasamiga hadaba iyaa oo taasi jirto ayaa waxaa uu jaceylku noqon karaa mid halis ah ama mid markaasi sahal ah sida uu cilmi ba uu inogaga waramay mar uu kahadlaayay jaceylka waxaana ka nid aheeyd tix uu katiriyay caanshaqa: CAASHAQA HAWEEN Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye Sayidkii cishqiqa nuureiyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen ciirshe meesha iyo nebigiiye Cidla lagama beermeen dadkoo cudud waaxidahe Waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyaane Soomaalidaa caado xune cidi iguma caydeene Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalay baan caqli tusaalayne Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaye Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda Ma ciidaamkanaa jabinaya cunaya dhuuxooda Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la'ii diidye Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku cir-cadaayeeyey Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab darteede Cududuhu ma naxaan qofkay talo ku ciirtaaye Casharkay wadaadadu qoreen cudurkan go'i waayey Cilmi dawo waliba doontay oo weyday cilinkiise Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu ciroobay. Hadaba sida aan geeraar kaan ka arkeeno waxa uu cilmi uga hadkayaa dhibaatada jaceylka uu leeyahy waxaana hubaal aheyd in Cilmi jaceylkii uu uhaayay Hodan uu ahaa mid aan layareesan Karin kaasoo kama dan beentiina Cilmi u horseeday inuu jaceyl aawgii uu kaga guuro Aduuna una guuro Aakhiro. Hadaba Akhrista yaasha sharafta leh waxaa aan aad ugu hanbalyeeneynaa haddii aan nahay bahda isgaadgaad in aan goor dhow u soo wad no sheeko aad u macaan oo aan hubo in six ad dhaaf ah aad ugaheli doontaan Sheekadaas oo magaceedu yahay Qaxar jaceyl Qax maloo gala? By : Xasan Ismaaciil Cabdi { King shy}

More entries: taariikhda axmed cali cigaal, Gabaygii Gardhigasho, Nolol waa tan heysha nabad waarta, www.ramadaan.webs.com, real love is heartfelt, Jaceylku Waa jeex Nolosha ah

View all entries from my superise >